Taiwan oo sheegtay in Shiinuhu uunan cabsi gelin karin

0
310

Madaxweynaha jasiiradda Taiwan Tsai Ing-wen ayaa sheegtay in marnaba xukuumadda Beijing ee dalka Shiinaha aynan ku guulaysan karin inay cabsi gelin ku beerto maamulkeeda.
Hoggaamiyaha Taiwan ayaa dhanka kale xustay inay xoojinayaan hannaanka difaacooda si aynan cidna ugu dhiirran inay ku soo xadgudubto.
Taiwan ayaa isku aqoonsan jasiirad dimuqraadi oo madax bannaan in kastoo Shiinaha uu sheegto inay dhulkiisa ka mid tahay.
Waxaa in muddo ah jiray khilaaf u dhexeya labada dhinac.