Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska , ehellada iyo asxaabta wariye rug caddaa ahaa oo lagu magacaabi jiray Badi Muxsin oo gelinkii dambe ee shalay ku geeriyooday magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta oo uu howlo shaqo u joogay.
Marxuumka ayaa ka howl galayay ka hor geeridiisa teleefishinka qaranka ee KBC.
Mr. Kenyatta ayaa tilmaamay in Badi Muxsin uu ahaa suxufi kaalin weyn ka qaatay baahinta horumarka dalka.
Waxaa ay da’adiisu ahayd 67 sano jir, isagoo warbaahinta ku biiray sanadkii 1980-kii.
Wararka ayaa sheegaya in suxufiga uusan soo kicin ka dib markii uu hurday gelinkii dambe ee shalay.
Gelinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso qabuuraha muslimiinta ee Kariakor.