Waaxda dacwad oogidda oo beenisay inay istaageen baaritaanadii KEMSA

0
417

Waaxda dacwad soo oogidda dalka ee uu hoggaamiyo Nuurdiin Xaaji ayaa mid aan sax ahayn ku tilmaantay warbixin dhawaan laga siidaayay telefishinka maxalliga ee Citizen oo ka mid ah warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay.
Waxaa ay warbixintu tilmaantay in baaritaanadii ku aadanaa fadeexadii laga soo tabiyay maamulka qaabilsan soo ibinta iyo qaybinta agabka caafimaadka ee KEMSA uu hakad ku yimid.
Hasa ahaate agaasime ku xigeenka waaxda dacwad oogidda wadanka Emily Kamau ayaa bayaan ku sheegtay in sida loo warramay aynan xaqiiqda ku saleysnayn.
Bayaanka waxaa ku cad in waaxda dacwad oogidda iyo guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ay si dhow uga wada shaqeynayeen oo ayna dadaal badan geliyeen sidii baaritaanadan muhiimka ah lagu soo gabagabeyn lahaa.
Waaxda ayaa intaa ku dartay inay horumar ka gaartay baaritaanada iyadoo dhinacyada u baahan in dabagal dheeraad ah lagu sameeyo la wadaagtay guddiga EACC si uu tallaabooyin u qaado.
Sidoo kale Mrs. Emily ayaa beenisay in galka baaritaanada uu weli la yaallo waaxda waxayna xustay in aynan jirin baaritaan galkiisu ay meel dhigtaan balse ay haystaan keliya nuqullada.