Kenya iyo WHO oo sameynaya wacyigelin ka dhan ah kaadi-dhiigga

0
327

Wasaaradda caafimaadka ee dalka iyo hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) ayaa si wadajir ah gobolka galbeedka Kenya uga fulinaya barnaamijyo wacyigelin oo ka dhan ah xanuunka kaadi-dhiigga iyo gooryaanka ku dhaco mindhicirrada.
Afar ka mid ah ismaamullada galbeedka dalka ayaa sidoo kale laga billaabay in dadweynaha laga baaro xanuunadan.
Dr. Sultan Matendechere oo ah madaxa machadka caafimaadka dadweynaha kana mid ah khudburrada wacyigelinta sameynaya ayaa sheegay inay diiradda saarayaan xanuunnada aan inta badan lala tacaalin.