Siyaasiyiinta xoolo dhaqatada oo Raila taageeray iyagoo qodobbo cuskanaya

0
566

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ismaamullada xoolo dhaqatada sida Mandera, Wajeer, Garissa, Isiolo iyo Marsabit ayaa shalay sheegay inay sanadka 2022-ka taageeri doonaan madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo ka mid ah musharraxiinta xilka madaxweynenimo.
Barasaabkii hore ee Wajeer Axmad Cabdullahi ayaa akhriyay qaraar ka kooban 12 qodob oo lagu saleeyay go’aanka ay qaateen madaxda waqooyiga dalka.
1.Madaxda laga soo doortay ismaamullada xoolo dhaqatada ayaa go’aan ku gaaray in gobol ahaan ay u midoobaan islamarkaana ay xaqiijiyaan taageerada ay u hayaan Raila Odinga si uu u noqdo madaxweynaha xiga ee Kenya.
2.Waxaa ay sheegeen in taageerada ay u hayaan Raila Odinga, ay ilaalin doonto, horumarka dhaqaale ee ismaamullada waqooyiga dalka , xoola dhaqatada iyo si guud bulshada dowlad deegannada oomanaha ee loo yaqaano ASALs.
3.Waxaa ay ku baaqeen inay qayb ka noqdaan hindisahiisa loogu magac daray Azimio La Umoja, oo loola jeedo hiigsiga mideynta oo uu Raila Odinga toddobaadkii hore kaga dhawaaqay ismaamulka Nakuru, ka dib markii uu la kulmay qaar ka mid barasaabyada laga soo doortay gobolka bartamaha dalka.
4.Madaxda ayaa sheegay in Kenya ay ku nool yihiin in ka badan 44 qowmiyadood islamarkaana ay tixgalinayaan is dhexgalka bulshada, iyadoo mudnaanta la siinayo in bulsho walbo lagu tageero jagooyinka ugu sarreeya ee dalka.
5.Waxaa ay xuseen inay aaminsan yihiin in la jooga xilligii Raila Odinga lagu taageeri lahaa inuu noqdo madaxweynaha xiga ee dalka.
6.Madaxda ayaa sheegay in iyagoo adeegsanaya tirada dadweynaha gobolka ay xoojin doonaan midnimadooda iyadoo lagu saleynayo hindisaha hiigsiga mideynta ee Azimio La Umoja si ay qayb uga noqdaan qaybsiga kheyraadka wadanka.
7.Hoggaamiyeyaasha waqooyiga dalka ayaa carrabka ku dhuftay in siyaasad ahaan ay doonayaan in midba midka kale ixtiraam u muujiyo , si loo ilaaliyo nabadda, xasiloonida iyo isku duubnida qaranka.
8.Waxaa ay sheegeen inay dardargelinayaan ayna dhisi doonaan xiriirka dadka xoola dhaqatada sida, in sare loo qaado dhaqaalaha xoola dhaqatada, kaabayaasha waddooyinka iyo taageerida haweenka iyo dhallinyarada.
9.Waxay intaa ku dareen in ay ku dadaali doonnaan xaqiijinta in dhallinyarada waqooyiga dalka la siiyo fursado ay qayb uga noqon karaan qarniga 21 -aad iyada oo loo marayo helitaanka farsamada macluumaadka, waxbarasho tayo leh iyo abuurista shaqo ay mushaar fiican ku qaadanaayaan.
10.Madaxda gobolka waqooyiga dalka ayaa dhanka kale sheegay inay si buuxda u tageerayaan 4-ta qorshe ee horumarineed dowlad iyo dhamesystirka barnaamijyada dowladda.
11.Dowladda dhexe ayay ugu baaqeen inay soo saarto dhaqaale lagu kobcinayo ganacsiga iyo gadiidlka si shaqo loogu abuuro dadka uu dhaqaalahooda saameeyay cudurka Covid19.
12. Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen inay madaxweynaha ku taageerayaan dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, iyagoo ugu baaqay qaybaha kale inay ku soo biiran dadaalkan.