Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee (IEBC) ayaa la filayaa inuu maanta si rasmi ah u billaabo diiwaangelinta guud ee codbixiyayaasha .
Barnaamijkan oo ah mid horay u socday balse hadda la sii dardargelinaya ayaa loogu magacdaray (ECVR) .
Diiwaangelintan ayaa lagu daahfuri doonaa ismaamulka Nakuru iyadoo uu guddigu bartilmaameedsanaya in ka badan 6 milyan oo codbixiyayaal ah.
Dadkan ayaa intooda badan ah kuwa wixii ka dambeeyay sanadkii 2017-kii ay da’doodu noqotay 18 sano sidoo kalena helay aqoonsiga qaran.
Diiwaangelinta oo soconaysa muddo bil ah kuna eg 2-da bisha 11-aad ee sanadkan ayaa laga billaabo maanta laga sameyn doonaa 1,450 ah deegaanada hoose ee 47-da ismaamul ee wadanka.
Guddiga ayaa warbixinta uu u gudbiyay baarlamaanka ku sheegay in bishii shanaad ee sanadkan tirada codbixiyayaasha diiwaangashan ay ahayd 19.6 milyan oo qof.
IEBC ayaa sheegtay in marka qofka la diiwaangeliyo la siinaya warqad caddeyn ah.
Guddiga ayaa kenyaanka ku boorriyay inay ka faa’iidaystaan diiwaangelinta si ay ugu suurtagasho inay codeyaan xilliga doorashada guud ee bisha siddeedaad ee sanadka 2022-ka.
Guddoomiyaha guddiga IEBC ,Wafula Chebukati ayaa mar kale sheegay inay ka go’an tahay xaqiijinta sidii codeynta ay u noqon lahayd mid xor iyo xalaal ah.
Waxaa uu dhammaan saamileyda si gaar ah u daneeya arrimaha doorashooyinka iyo maamul wanaagga ka codsaday inay guddiga garab siiyaan.
IEBC ayaa sidoo kale bisha 12-aad ee sanadkan diiwaangelin doonto qurbajoogta kenyaanka ah.
Wadamada laga sameynaya diiwaangelinta qurba joogta kenyaanka ah waxaa ka mid ah Suudaanta Koonfureed, Maraykanka , Ingiriiska , Canada, Qatar, Uganda, Rwanda, Tanzania, Koonfur Afrika , Burundi iyo dalka isku tagga imaaraadka carabta ka dib markii la ogaaday in mid kasta oo ka mid ah ay ku noolyihiin ilaa 3,000 oo qof oo dalka u dhashay.