Ciidamada booliska ee ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta ayaa lagu soo warramayaa inay baaritaan ku hayaan dhimashada labo qof oo la sheegay inuu xiriir jaceyl ka dhexeyay.
Tani ayaa timid ka dib markii shalay subax uu soo baxay tuhun ah in lamaanaha ay naftooda ka takhaluseen iyagoo iska soo tuuray dabaqa shanaad .
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay degmada Mtwapa ee ismaamulka Kilifi .
Magacyada labada qof ayaa lagu kala sheegay Lucy Nyokabi oo 23 sano jir ah iyo qof kale oo oo loo yaqaano ‘rastaman.’
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in meydadka shakhsiyaadkan ay ka muuqdaan dhaawacyo ka soo gaaray falka ay ku kaceen abaare 3-dii aroornimo.
Qaar ka mid ah shacabka degmadaasi ayaa arrinkan warbaahinta uga warramay