Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa bayaan ay shalay soo saartay ku sheegtay in daawooyinka tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19 ee laga bixiyay ismaamulka Garissa ay yihiin 7,055 oo u dhiganta boqolkiiba 1.8.
Dowlad deegaanka Mandera, tiradan ayaa ah 6,036 halka Wajeer ay wasaaraddu ku sheegtay 4,964 oo ah boqolkiiba 1.5.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo kenyaanka si joogto ah loogu boorrinaya inay qaataan daawooyinka tallaalka si ay uga badbaadaan halista cudurka COVID19 oo weli dalka iyo si guud caalamka ka jirta.