New Zealand oo adkeynaysa xayiraadaha COVID19

0
370

Dowladda dalka New Zealand ayaa shaacisay in la sii xoojin doono tallaabooyinka lagu xakameynaya faafidda cudurka COVID-19 ka dib markii xaaladaha caabuqa laga soo tabiyay meelo aan horay loogu arag.
Tallaabooyinka la soo kordhinaya waxaa ka mid ah in dadka ay da’doodu tahay 17 sano iyo wixii ka sarreeya ee wadankaasi u safraya si buuxda looga tallaalo cudurka.
Wasiirka dalkaasi u qaabilsan ka falcelinta cudurka ,Christ Hipkins ayaa sidatan sheegay.
Sidoo kale shirkadda qaran ee duulimaadyada ee Air New Zealand ayaa sheegtay inuusan diyaaradaheeda raaci doonin rakaab aan qaadan daawooyinka tallaalka ka dhanka ah xanuunka COVID19.
Amarka ay shirkaddu ku dhawaaqday ayaa dhaqangalaya laga billaabo 1-da bisha labaad ee sanadka 2022-ka.