Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo rag iyo hub Shabaab ka qabsaday

0
1023

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21aad ayaa howlgal qorsheysan waxaay ka fuliyeen duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Howlgalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii xalay weerar hoobiyeyaal ah lagu qaaday Magaalada Dhuusmareeb, waxaana la sheegay in intii uu howgalkaasi socday uu dagaal kooban dhex-maray ciidamada dowladda & Xubno ka tirsan AL-Shabaab.
War kasoo baxay taliska Ciidamada Xoogga dalka qyebta 21aad ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada ay toogteen mid kamid ah raggii weerarka hoobiyeyaasha ahaa ku qaaday Magaalada Dhuusamareeb halka mid kale isagoo dhaawac ah ay qabteen.
Sidoo kale taliska Ciidamada qeybta 21aad waxaay sheegeen in howlgalkaasi lagu qabtay hub ay lahaayeen Al-Shabaab, Howlgalkaan oo si wada jir ah ay u fulinayeen Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed qaybta 21 iyo Ciidamada Gaarka ah ee Gorgor,waxayna Ciidamadu soo bandhigeen dhimashada hal nin iyo mid Dhaawac ah halka ay sidoo kale soo bandhigeen ilaa afar Qore oo shabaabka laga soo furtay.
Tan iyo markii isbedelka Maamul uu ka dhacay degaannada Maamulka Galmudug ayaa waxaa kusoo kordhay falal amni darro oo ay kamid yihiin weerarada Al-Shabaab iyo dagaalada dhex-maraya labada maleeshiyo Beeleed.
Dhanka kale Dagaalo beeleedyo horleh ayaa lagu soo waramayaa inay kasoo cusboonadeen degaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya kuwaasoo geystay khasaare kala duwan iyo barakaca dad shacab ah.
Dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed ayaa Maanta waxaa uu ka markale ka dhacay Duleedka Deegaanka Kaxandhaale ee Gobalka Galgaduud.
Inta la xaqiijiyay dagaalkaas ayaa waxaa ku dhintay saddex qof halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen, waxaana maleeshiyaadka dagaalamay ay kasoo kala jeedaan degaannada Galinsoor iyo Dhabad oo kawada tirsan Gobolka Galgaduud.
Dhinaca kale dagaal beeleed Socda Maalintii Saddexaad ayaa Maanta ka dhacay degaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud, kaasoo la soo sheegayo inuu qasaare ka dhashay.
Dadka degaanka Xananbuure ayaa waxaay sheegeen in dadka badi ay ka barakaceen Magaaladaas, madaama ay ka cabsi qabaan inuu waxyeelo kasoo gaaro dagaalka u dhaxeeya labada maleeshiyo Beeleed ee hubeysan.
Laamaha Amniga Galmudug & Madaxda Sare ee Maamulkaas weli kama hadlin dagaalka, waxaana uu kusoo aadayaa xilli degaannada Galmudug ay ku sugan yihiin Hagaanka ugu Sareya dalka Soomaaliya iyo madaxda Maamulada oo ku kulmaya Magaalada Dhuusamareeb.