Wararka naga soo gaaraya degmada Ol Moran ee ismaamulka Laikipia ayaa sheegaya in labo sarkaal boolis lagu dhaawacay degmadaasi ka dib koox burcad oo weerar kusoo qaaday.
Saraakiisaha ayaa aagaasi ka hayay sugidda amniga si ay u badbaadiyaan nolosha shacabka iyo hantidooda ee dowlad deegaanka Laikipia.
Waxaa weerarka ay burcadda soo qaaday ka badbaaday guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matala ismaamulkaasi John Orata.
Mid ka mid saraakiisha uu dhaawaca soo gaaray ay ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen.
Saraakiisha booliska ayaa haatan lagula dabiibaya isbitaalka degmad Ol Moran.
Laikipia ayaa ka mid ah meelaha inta badan laga soo tabiyo dagaallada salka ku haya dhaca xoolaha.