Dowladda Australia ayaa sheegtay in ay bisha 11-aad ee sanadkan dib u furi doonto xuduudeeda oo xirnayd 18-kii bilood ee la soo dhaafay.
Waxaa qorshahan shaaca ka qaaday ra’iisul wasaaraha wadankaasi
Scott Morrison.
Mr. Morrison ayaa xusay in muwaadiniinta Australia ay fursad u heli doonaan inay dalkooda hooyo dib ugu soo laabtaan sidoo kalena u safraan wadamada kale ee caalamka.
Tani ayaa timid ka dib markii kumanaan ka mid ah dadweynaha dalkaasi ay ku xannibmeen qurbaha.
Sidoo kale waxaa toddobaadyo gudahood ay dowladda Australia qorsheynaysa inay tallaalka cudurka COVID-19 siiso in ka badan boqolkiiba 80 ee shacabkeeda.