Rag hubaysan oo weerarray hooyga taliyaha qaybta booliska Nugaal

0
350

Koox hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay xalay xilli dambe weerar ku qaadeen Hooyga uu Xaafada 1-da Agoosto ee Magaalada Garoowe ka deggan yahay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Nugaal ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Maxamad Aadan Jaamac.
Israsaaseyn kooban ayaa dhexmartay Kooxda weerarka gaysatay iyo ilaallada Taliyaha , iyadoo Kooxihii weerarka ku qaaday Guriga ay dib u laabteen.
Dad kunool Magaalada Garoowe ayaa sheegay in israsaaseynta oo muddo kooban socotay uu khasaare ka dhashay, waxaana weli la ogeyn Cidiii ay ahaayeen Kooxaha hubeysan ee weerarray Guriga Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Nugaal.
Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Nugaal Maxamad Aadan Jaamac ayaan weli isna dhankiisa ka hadlin weerarka gurigiisa lagu qaaday, waxaana weerarkaas uu kusoo aadayaa xilli Taliyaha uu shalay shaaciyay inay Gacanta ku dhigeen Nin duleedka magaalada Garoowe ku dilay Wiil Dhallinyaro ahaa kana mid ahaa Saraakiisha Hay’adaha Amniga maamulka Puntland kaasoo lagu magacaabi jiray Bootaan Maxamad Bootaan.