Gideon Moi oo sheegay in la sixi doono khaladaadkii hore ee KANU

0
473

Hoggaamiyaha xisbiga KANU ahna senatarka ismaamulka Baringo Gideon Moi ayaa ballanqaaday in hadii sanadka 2022-ka uu ku guulaysto xilka madaxtinimo uu xaqiijin doono in la saxo khalaadkii taariikhiga ahaa ee dhacay sanadihii uu xisbigan talada wadanka hayay.
Dhacdooyinkii waawayn ee ay xusuustaan shacabka waqooyi bari waxaa ka mid ah xasuuqii Wagalla ee Wajeer.
Moi ayaa sidoo kale tilmaamay inuu diiradda saari doono la dagaalanka musuqmaasuqa, kobcinta dhaqaalaha wadanka, daryeel caafimaad oo tayo leh iyo ilaalinta xuquuqul aadanaha.
Shalay ayay ahayd markii xisbiga KANU uu Gideon Moi u ansaxiyay inuu noqdo musharraxa madaxweynenimo ee matalaya sanadka soo socdo.
In ka badan 3,000 oo mas’uuliyiin ah ayaa shalay go’aankan ku soo bandhigay xarunta Bomas ee magaalada Nairobi.