Ciidamada Ahlu-Sunna iyo Galmudug oo maanta is-rasaaseyay

0
455

Waxaa maanta deegaanka Bohol oo Waqooyiga magaalada Dhuusamareeb Is-rasaasayn goosgoos ah ku dhex maray ciidamada Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo kuwa maamulka Galmudug.
Wararka la helay ayaa sheegaya in ciidamada ay weli halkaas isku horfadhiyaan, islamarkaana ay xiisadda kacsan tahay.
Arrintan ayaa imaaneysa ayada oo warar ay sheegayaan in ciidamada Ahlu-Sunna ay toddobaadyadii tegay dib isugu urursanayeen deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud.
Hoggaamiyayaasha Ahlu-Sunna Macallin Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir ayaa toddobaad kahor dib ugu laabtay gobolka kadib in ka badan sanad iyo bar oo ay ka maqanaayeen, taasi oo ka dambeysay markii looga adkaaday dagaal ka dhacay Dhuusomareeb.
Saraakiisha sare ee ururka Ahlu Sunna ayaa 29-kii Febraayo 2020 isu dhiibay ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii uu dagaal dhex-maray maleeshiyaadka Ahlu Sunna iyo ciidanka qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna kadib isaga baxeen gobolka.