Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa galinkii dambe ee shalay deegaanka isku raranka ah ee Kibera ee magaalada Nairobi xarigga kaga jaray labo isbitaal oo dhawaan la dhisay.
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladda dhexe ku wanaajinayso adeegyada caafimaad ee loo fidiyo dadweynaha ku nool caasimadda wadanka.
Waxaa madaxweynaha dalka daahfurka xarumaha cusub ku wehelinayay madaxa xisbiga ODM Raila Odinga, agaasimaha guud ee maamulka NMS Maxamad Cabdalla Badi iyo mas’uuliyiin kale.
Mr.Kenyatta ayaa sheegay in isbitaalladan ay yareyn doonaan ciriiriga ka jiro xarumaha Mbagathi iyo Kenyatta.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa xusay in la qaadayo tallaabooyin lagu xaqiijinaya in lagu guulaysto qorshaha horumarineed ee UHC oo loola jeedo caafimaad guud.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay in kastoo Nairobi ay tahay caasimadda dalka oo ay ku nool yihiin ilaa 5 milyan oo qof haddana in ka badan boqolkiiba 40 ee dadweynaha waxay daryeel caafimaad ka raadsadaan isbitaalka qaran ee Kenyatta.
Mr. Kenyatta ayaa arrin laga qoomamoodo ku sheegay in tirada isbitaallada oo yar ay sababtay kororka xanuunada iyo dhimashooyinka ka dhasho oo badan.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale daahfuray barnaamij lagu howlgeliyay dhowr ka mid ah gaadiidka gurmadka degdegga oo ka shaqeyn doono deegaan baarlamaneedka Kibera.
Mr. Kenyatta ayaa xusay inuu horay kenyaanka ugu sheegay inuusan hadal badan wakhti ku lumin doonin balse waxqabadkiisa ay ka arki doonaan tallaabooyinka falcelinta ah ee uu qaadaya.
Dhanka kale waxaa uu madaxweynaha ku baaqay midnimada shacabka isagoo tilmaamay in tan iyo bishii saddexaad ee sanadkii 2018-kii oo ay heshiiyeen isaga iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga, ay wadanka ka jirtay xasilooni buuxda.
Waxaa uu xusay in xasiloonida jirta ay fududeysay dardargelinta mashaariicda horumarineed guud ahaan dalka.
Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa dhankiisa sheegay in xarumaha caafimaad ee la daahfuray ay ku soo beegmeen xilli baahi wayn loo qabay sidaas awgeedna shacabka Kibera ay heli doonaan adeegyo caafimaad oo tayaysan qiimo ahaana la awoodi karo.
Mr. Odinga ayaa madaxweynaha dalka ku ammaanay sidoo kalena uga mahadceliyay waxqabadkiisa dhanka horumarka.