Kuraasta dhiman ee gobolada waqooyi oo maanta la dooranayo

0
342

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in markale Xaruntii hore ee ciidamada cirka Soomalaiya Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Soomaaliya ka soo galaya Gobolada Waqooyi, maadaama la dhameystirayo 5 kursi ee ka harsan 11 kursi ee Gobolada Waqooyi.
Shalay waxaa xarunta Afisiyooni lagu doortay lixda kursi ee ugu horeeyay Sanoterada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi, kuwaasoo doorashadooda qaarkood xiiso gaar ah laheyd.
Shanta kursi ee Maanta doorashadooda ka dhaceyso Afisiyooni ayaa waxaa ku tartamaya xubno Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kuraastaan iyo kuwo Cusub oo hadda doonaya inay xilalkaan hantaan waxaana Magacyadooda kala yihiin.
Kursiga Koowaad waxaa ku loolamaya
Siciid Cabdi Xasan
2. Jaamac Cabdilaahi Maxamed
Kursiga labaad
1. Muno Cumar Xasan
2. Nacima Xasan Xaaji.maxamuud
3. Sucaad Xasan Maxamed
Kursiga Saddexaad
1. Cabdirisaaq Axmed Cali
2. Xasan Cabdi Gaas
3. Axmed Maxamed Siciid
Kursiga Afaraad
1.Axmed Ibraahin Maxamed (Qorane)
2. Baashe Maxamed Ismaacil
Kursiga Shanaad
1. Deeqa Xasan Xuseen
2. Hodan Abokor Xasan
Doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa hada geba-gabo ku dhow, waxaana la filayaa in dhawaan maamul Goboleedyada dalak Soomaaliya kajira ay soo dhameystiraan doorashada kuraasta Aqalka Sare kuwa ay ku harsan yihiin maadaama uu dhawaan ra’isulwasaaraha Soomaaliya ka dalbaday inay dhamaystiraan xubnaha u dhiman si doorashada golaha shacabka loo gudagalo.