Suldaan Saleebaan (Habaar) oo kamid ah Odayaasha Dhaqanka Somaliland ayaa la sheegay inuu gacanta ula tegay Xildhibaan Axmad-Nuur Guruuje oo ka tirsan Golaha Wakiillada ee Somaliland.
Xildhibaan Axmed-nuur Guruuje ayaa la sheegay in haatan lagu dabiibayo isbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, kadib markii dhaawac uu kasoo gaaray Madaxa.
Wararka ayaa sheegaya in isku dhaca xildhibaan Guruuje iyo Suldaan Saleebaan ay sabab u ahayd hadallo ay isku waydaarsadeen kal hore warbaahinta.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Soomaaliland oo ka hadlayy dhaawaca Xildhibaanka ayaa cambaareeyay.
Waxaa uu sheegay in falkaasi uu yahay khalad laga galay guud ahaan Golaha Wakiillada Somaliland.
Waxaa uu sheegay in falka lagu dhaawacay Xildhibaan Garuuje uu yahay mid xad gudub ah, waxaana uu dalbaday in maxkamad la horgeeyo Suldaan Saleebaan (Habaar) oo falkaasi gaystay.
Home Wararka Soomaaliya Xildhibaan ka tirsan golaha wakiillada Soomaaliland oo Hargeysa lagu dhaawacay