Cabdi Xaashi oo markale la doortay, iyadoo musharrixii la tartamayay tanaasulay

0
479

Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa markale loo doortay kursiga xildhibaannada gobollada waqooyi ee Somaliland ku matalaya golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Waxaa gacan taag ugu codeeyay 44 ergo.
Kursiga koowaad ee kuraasta aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi ayaa waxaa ku tartami lahaa Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Saciid Cumar Xuseen, balse waxaa kusoo baxay Cabdi Xaashi markii uu tanaasulay Saciid Cumar.
Goor dhow ayaa waxaa la guda geli doonaa doorashada kursiga labaad ee Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi.