Maxaabiis gaaraya sagaal oo la soo qabtay ka dib markii ay sabtidii la soo dhaafay ka baxsadeen xabsiga magaalada Nanyuki ee ismaamulka Laikipia ayaa lagu amray inay labo sano oo dheeraad ah halkaasi ku sii jiraan.
Waxay ka mid ahaayeen 14 cararay oo 5 aan ilaa iyo hadda la soo qaban.
Guddoomiyaha waaxda asluubta ee dalka Wycliffe Ogallo oo Axaddii gaaray ismaamulka Laikipia ayaa shakhsiyaadka ku jiro xabsiyada uga digay inay isku dayaan baxsasho maadaama taasi ay ku noqonayso dembi kale.
Waxaa uu ku boorriyay inay u hoggaansamaan sharciga oo aynan iskudayin inay ka cararaan goobaha lagu hayo.