DHAGEYSO:Tababar ku saabsan awoodsiinta haweenka oo laga furay Muqdisho

0
562

Guddiga shaqaalaha rayidka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta aqoon is waydaarsi ku saabsan awoodsiinta haweenka ee hay’adaha dowladda u furay qaar ka mid ah haweenka soomaaliyeed.
Tababarka ayaa socon doono muddo saddex cisho waxaana haweenka lagu fahansiinayaa kaalinta ay ka qaadan karaan u adeegidda shacabka oo ay siyaasaddu ka mid tahay.
Waxaa tababarkaasi hadal kooban ka jeediyay guddomiye ku xigeenka guddiga shaqaalaha rayidka Cali Muumin Muudey isagoo faahfaahin ka bixiyay kaalinta haweenka ee hannaanka awood qaybsiga shaqooyinka dowladda Soomaaliya.

Audio Player

Xoghaye ku xigeenka xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Faadumo Cabdi Cali ayaa sidoo kale tababarka ka qayb gashay iyadoo haweenka ku dhiirigelisay ka soo muuqashada saaxadda siyaasadeed kuna baaqday in garab la siiyo dumarka hammiga hoggaaminta leh.

Audio Player

Qaar ka mid ah haweenka maanta tababarka loo furay ayaa dareenkooda sidan u muujiyay .

Audio Player