Dowladda dhexe oo ismaamulka Nairobi ka hirgelisay in ka badan 25 isbitaal oo cusub

0
448

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay in ilaa iyo hadda dowladda dhexe ay magaala madaxda wadanka ee Nairobi ka hirgelisay xarumo caafimaad oo cusub oo tiro ahaan kor u dhaafaya 25.
Wasiirka waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda dhexe ay diyaar u tahay inay taageerto barnaamijyada lagu wanaajinayo adeegyada caafimaadka ee ismaamullada.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in isbitaallada laga dhisay Nairobi ay yareysay ciriirigii ka jiray isbitaallada wayn sida Kenyatta maadaama adeegyada loo soo dhaweeyay shacabka.
Arrintan ayuu shaaca ka qaaday xilli uu maanta ku sugnaa ismaamulka Murang’a ee gobolka bartamaha oo uu dhagax dhigayay dhismaha xarumo cusub oo laga sameynaya isbitaalka degmada Kigumo.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay ka dhabeynta dadaalka ay ugu jirto in bixinta adeegyada caafimaad ay noqoto mid haqabtiraysa baahiyaha qowmiyadaha kala duwan.
Kagwe ayaa xusay in casharrada laga bartay la tacaalidda cudurka COVID-19 ay ka mid tahay in lala yimaado siyaabo cusub oo ay ku shaqeynayaan nidaamyada caafimaadka.
Wasiirka waxaa uu arrin loo riyaaqo ku tilmaamay in la kordhiyay isbitaallada ku yaalla dalka .
Waxaa uu ku celceliyay in wanaajinta helidda adeegyada caafimaadka ay kaalin ka qaadanayso inay soo baxaan natiijooyin wanaagsan oo dhanka badqabka ah sidoo kalena uu kordhaya wax soo saarka dadweynaha tani oo horseedaysa kobac dhaqaale.
Wasiirka ayaa tilmaamay in qorshaha horumarineed ee caafimaadka guud ama UHC oo qayb ka ah barnaamijyada maamulka Jubilee uu xaqiijinaya in dhammaan muwaadiniinta ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh iyadoo aan la eegayn mansabka qofka ee bulshada dhexdeeda.
Mutahi Kagwe ayaa hoosta ka xarriiqay in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu mar kasta muhiimaad gaar ah siiyo caafimaadka bulshada .
Waxaa uu dhanka kale dowladda ismaamulka Murang’a ku bogaadiyay fikradda hal-abuurka ku saleysan ee ah in mootooyin lagu qaado dheecaannada cudurka qaaxada si loogu gudbiyo sheybaarka wayn ee isbitaalka guud ee dowlad deegaankaasi isagoo intaasi ku daray in tani ay culeyska ka fududeysay bukaannada u baahan adeeggan caafimaad.