Madaxweynaha oo sheegay in uu fulinayo ballanqaadyadii horumarineed

0
552

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ay ka go’an tahay fulinta waxyaabihii uu xilligii ololaha doorashada ee sanadkii 2017-kii uu u ballanqaaday shacabka.
Maamulka talada haya ee Jubilee ayaa xilligaas sheegay in uu diiradda saari doono arrimaha caafimaadka, sare u qaadidda wax soo saarka , adeegyada guriyeynta iyo la tacaalidda cunno yarida.
Mr. Kenyatta oo arrimahan ka hadlay isagoo ku sugan bariga deegaanka Kieni ee ismaamulka Nyeri ayaa hoosta ka xarriiqay in xaafado dheeraad ah la gaarsiin doono adeegga korontada.
Wuxuu sidoo kale sheegay in waddooyin dheeraad ah la dhisaya halka maamulka Jubilee uu taageero dhanka dhaqaalaha ah u fidin doono ganacsatada yaryar.
Deegaanka uu tagay galinkii dambe ee shalay ayuu xarigga kaga jaray mashruuc dhanka korontada ah oo ay ka faa’iidayaan qoysas gaaraya 216 iyo xarumo dowladeed sida dugsiyo, isbitaallo iyo suuqyo.
Hoggaamiyaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in ugu yaraan boqolkiiba 70 ee guriyaha ku yaalla wadanka ay koronto isticmaalaan.
Wuxuu sheegay in tiradan ay ahayd keliya boqolkiiba 30 xilligii uu 2013-kii la wareegayay talada dalka.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa mar kale shacabka iyo madaxda siyaasadeed ugu baaqay in ay midnimo muujiyaan isagoo xusay in ay tahay qaabka keliya ee wadanka lagu horumarin karo.
Hoggaamiyaha dalka ayaa shacabka deegaanka bariga Kieni ee Nyeri ugu baaqay inay taageeraan geeddisocodka sharci beddelka ee BBI .
Waxaa uu dadweynaha u sheegay in dhaqangelinta nidaamkan ay horseedayso in ismaamullada wadanka ay dowladda dhexe ka helaan miisaaniyad dhaqaale oo ah boqolkiiba 35.