DHAGEYSO:Raila Odinga oo soo gabagabeeyay socdaal uu ku marayay gobolka bartamaha

0
430

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa maanta soo gabagabeeyay socdaal saddex cisho qaatay oo uu ku marayay ismaamullada gobolka bartamaha dalka .
Waxaa uu sheegay in aynan jirin cid ka hor istaagi karto inuu gobolkaasi ka sameeyo olole siyaasadeed maadama sida uu hadalka u dhigay uu horay u garab istaagay madaxda Mount Kenya.
Raila Odinga oo la hadlayay shacabka Karatina ee ismaamulka Nyeri ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabooyinka siyaasadeed ee ay qaadayaan ay yihiin kuwo si gaar ah loogu daneynaya dhallinyarada.
Waxaa uu ku celceliyay in haddii la is kaashado lala tacaali karo, cudurrada , saboolnimada oo malaayiin qof ay noqon karaan hantiilayaal.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa tusaale u soo qaatay qaabka uu horumar ku gaaray wadanka Shiinaha ee ay Kenya uga dayan karto .
Waxaa uu xusay in xukuumadda Beijing ay muddo 30 sano gudaheed ah ilaa 300 oo milyan oo qof uga saartay saboolnimo.