Xisbiga bidix dhexe (SPD) ee Jarmalka oo si dirqi ah uga guulaystay xisbiga Angala Merkel

0
440

Xisbiga dimuqraadiga ee (SPD) ee bidix dhexe ayaa si dirqi ah uga guuleystay xisbiga ay hoggaamineysay haweeneyda xilka kasii dageyso ee dalka Jarmalka Angela Merkel ee doorashadii federaalka ahayd oo shalay wadankaasi ka dhacday.
Xisbiga dimuqraadiga ee SPD ayaa xaqiijiyay in ay heleen codad gaaraya 25.7 boqolkiiba codadka la dhiibtay, halka xisbiga muxaafidka ah ee talada haya uu helay 24.1 boqolkiiba.
Waxaa kaalinta saddexaad soo galay Xisbiga The Greens oo isna helay 14 boqolkiiba, waana natiijada ugu wanaagsaneyd ee taariikhda ay helaan xisbigaasi.
Waxaa ay guusha xisbigan soo afjaraysaa hoggaankii muddada 16-ka sano ee Angela Merkel.
Inkastoo aysan jirin xisbi sheegan kara aqlabiyad ama in uu helay 50 boqolkiiba, haddana,waxaa suurtagal ah in fursad la siiyo xisbiga ku guuleystay doorashooyinka ama in la abuuro isbaheysi si loo dhiso dowlad muddo afar sano ah matasha shacabka dalka Jarmalka.
Waa markii ugu horreysay ee ay codeyn ka dhacdo dalka Jarmalka wax ka badan toban sano.