Ruto oo ku adkeystay inaysan jirin wax dhib ah hadii kaniisadaha laga jeediyay hadallo ka dhan siyaasadda

0
489

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa ka codsaday xubnaha madaxda kaniisadaha ee wadanka inay fursad siiyaan siyaasiyiinta doonaya inay booqdaan goobaha cibaadada.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii hoggaamiyaasha kaniisadaha ay siyaasiyiinta ka mamnuuceen inay jeediyaan hadallo ka dhan ah siyaasadda.
Waxaa uu ku baaqay in siyaasiyiinta loo oggolaado, si ay uga qeyb qaataan adeegyada ka socda kaniisadaha, islamarkaana fursad loo siiyo inay la hadlaan ka soo qeyb galayaasha.
Waxaa uu intaa ku daray inay jiraan kuwa kaniisadaha u taga arrimo siyaasadeed balse loo dabciyo howlahooda.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa marar badan lagu dhaleeceeyay inuu goobaha ciibaadada ee kaniisadaha ka jeediyo hadallo siyaasadeed balse taas uu iska fogeeyay.
Dhanka kale waxa uu difaacay qorshihiisa siyaasadeed ee ku saleysan in kobcinta dhaqaalaha laga soo billaabo meel hoose uu kenyaan badan ka saari doono nolosha saboolnimada ee ay hadda ku jiraan.