Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Talyaaniga Luigi Di Maio ayaa sheegay in aan la ictiraafi karin maamulka Taalibaan ee ka arrimiyo dalka Afghanistan.
Hasa ahaate waxaa uu sheegay in shacabka wadankaasi ay mudan yihiin in loo soo fasaxo hantida laga xannibay.
Dowladaha caalamka ayuu ku boorriyay inay ka hor tagaan in Afghanistan uu saameeyo burbur dhaqaale taasoo sababi karto sare u kac dhanka soo galootiga ah.