Wasaaradda caafimaadka ee dalkani Kenya ayaa maanta shaacisay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay uu gudaha wadanka cudurka COVID19 ku haleelay 69 qof oo hor leh.
Tani ayaa timid ka dib markii cudur sidaha corona laga baaray dheecaan dhan 1,414.
Dhammaan dadka ugu dambeeyay ee xanuunku uu sameeyay waa muwaadiniinta dalka waxayna isugu jiraan 35 haween iyo 34 rag ah oo ay da’doodu u dhexeyso 14 sano ilaa 89 sano.
Xaaladaha cusub ayaa laga kala xaqiijiyay ismaamullada Nairobi 24, Meru 12,Nakuru 4,Murang’a , Makueni iyo Taita Taveta oo min saddex ah,Kakamega, Mombasa , Nyeri, Uasin Gishu, Kiambu iyo Isiolo oo min labo xaaladood oo cusub ah,galbeedka Pokot, Baringo, Embu, Turkana , Garissa, Kajiado, Homa Bay iyo Machakos oo min hal xaalad oo hor leh ah.
Tirada guud ee kiisaska cudurka ee dalka ayaa hadda ah 248,461 .
Waxaa sidoo kale caafimaaday 505 bukaan oo dheeraad ah oo isugu jiro 466 lagu daryeelayay guriyaha iyo 39 laga saaray isbitaallada.
Tirada guud ee dadka ilaa iyo hadda ka bogsaday cudurka guud ahaan wadanka ayaa ah 240,235 qof.
6 bukaan oo kale ayaa xilli dambe la soo sheegay inay cudurka u dhinteen tani oo dhimashada guud ka dhigaysa 5,102.
Waxaa weli cudurka COVID19 qabo oo isbitaallada kala duwan lagu daweeynayaa 1,209 bukaan iyadoo 2,633 kale lagu daryeelaya guriyaha.
Qaybaha daryeelka degdegga ee loo yaqaano ICU-da waxaa lagu dabiibayaa 87 bukaan.