Dowladaha Ruushka, Shiinaha, Pakistan iyo Mareykanka ayaa ka wada shaqeynaya sidii loo hubin lahaa in hoggaamiyeyaasha maamulka cusub ee Taaliban ee la wareegay talada dalka Afghanistan inay fuliyaan ballanqaadyadii ku aadanaa inay soo dhisaan dowlad si dhab ah u metesha shacabka wadankaasi islamarkaana ka hortagta rabshadaha.
Wasiirka wasaaradda arrrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay in afarta dal ay xiriir joogta leeyihiin islamarkaana ay si u dhow u la socdaan xaaladda dalka Afghanistan.
Waxaa uu xusay in wakiilo ka socda dalalka Ruushka, Shiinaha iyo Pakistan ay dhawaaan u safreen wadanka Qadar ka ddibna tageen caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul, si ay isugu soo dhaweeyaan Taalibaan iyo maamulkii xukunka laga tuuray ee uu hoggaaminyay madaxweynihii hore ee dalkaasi Xamiid Karzai.
Mr. Lavrov ayaa sheegay in dowladda ku meel gaarka ah ee ay ku dhawaaqday Taaliban aysan ka tarjumeynin guud ahaan bulshada Afghanistan.
Taalibaan ayaa ballanqaadday inay soo dhiseyso dowlad loo dhan yahay oo dhexdhexaad ah islamarkaana xukun Islaami ah oo ixtiraameysa xuquuqda haweenka, in la helo xasillooni ka dib 20 sano oo dagaal iyo la dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada.