Madaxa ciidamada militeriga Chad Mahamat Deby ahna hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee dalkaasi ayaa magacaabay 93 xubnood oo ka mid noqonaya baarlamaan cusub oo ku meel gaar ah.
Tani ayaa kusoo aadeyso 5 bilood uun ka dib marki uu ku dhawaaqay in uu yahay hoggaamiyaha cusub ee dalka Chad ka dib geeridii aabahiis Idriss Deby oo muddo dheer ka talinayay wadankaasi.
Wareegta uu ku saxiixan yahay sarkaal afar xiddigla ah ayaa waxa lagu sheegay in 93 xubnood ay ka mid noqonayaan golaha baarlamaanka qaran ee ku meel gaarka ah {NTC} ee dalka Chad.
Mohamet Deby ayaa kala diray baarlamaankii dalkaasi wuxuuna ballanqaaday in uu doorashooyin xor iyo xalaal ah uu ku qaban doono 18 bilood gudaheyd ka dib markii uu ku dhawaaqay inuu yahay 20-kii bishii Afaraad ee sanakan hoggaamiyaha dalka chad .