Myanmar uunan mas’uul ku matali doonin golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay

0
433

Waxaa jiri dooniin wakiil ka socda dalka Myanmar oo loo qorsheeyay inuu khudbad ka jeediyo shirka sanadlaha ah ee golaha loo dhan yahay ee jimciyadda qurumaha ku dhexeyso ee ka socda xarunta dhexe ee qaramada midoobay ee magaalada Newyork ee dalka Mareykanka.
Afhayeenka qaramada midoobay Stephane Dujarric ayaa sheegay, iyada oo ay jiraan sheegashooyin iska soo horjeeda oo ku aaddan kursiga qaramada midoobey ee dalka Myanmar, ka dib markii inqilaab milatari uu xukunka ka tuuray xukuumaddii rayidka ahayd.
Danjiraha qaramada midoobay ee dalka Myanmar Kyaw Moe Tun-oo ay magacawday haweeneydii wadankaas hoggaaminaysay ee xukunka laga tuuray ee Aung San Suu Kyi ayaa la filayay in maalinkii Isniinta ee toddobaadkan uu khudbad ka jeediyo golaha loo dhan yahay ee jimciyadda qurumaha ka dhexeyso oo xubno ka ah 193 wadan.