Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhex galay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmad Hargar Dabageed kaasoo saameyn ku yeeshay doorashadii Aqalka Sare ee ka socotay Magaalada Jowhar.
Khilaafka ayaa ka dhashay markii Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle uu dalbaday in si gaar ah loogu xiro kursi ka mid ah kuwo Aqalka Sare mid ka mid ah musharraxiintii uu watay hadii kale in aysan dhici doonin doorashada kursigaasi.
Labada Mas’uul ayaa khilaafkooda waxaa uu keenay in ay hakato doorashada socotay, waxaana hadda ku howlan sidii arrintaasi dib loogu bilaabi lahaa guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle.
18-kii bishaan Doorashadii Aqalka Sare ee ka socotay magaalada Jowhar ayaa lagu kala tagay markii buuq iyo gacanqaad ka dhacay hoolka doorashada.
Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle ayaa buuqa iyo gacanqaadka bilaabay xilli ay dhamaatay cod tirinta wareegga koowaad ee doorashada kursiga lixaad ee Aqalka Sare oo ay ku tartamayeen 5 musharrax oo beesha Madaxweyne ku xigeenka ka soo jeeda oo mid ka mid ah tanaasulay.
Falkaasi waxaa lagu eedeeyay in ay fuliyeen xildhibaano taageersan madaxweyne ku xigeenka markii ay dareemeen in musharaxooda laga guuleysan rabo.
Home Wararka Soomaaliya Khilaaf soo kala dhex galay Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa oo hakiyay doorashadii...