Hay’adda cunnada adduunka ee WFP ayaa sheegtay in sanad kasta caalamka ay macluul ugu dhintaan 9 milyan oo qof.
Agaasimaha hay’addan David Beasley ayaa dowladaha caalamka ugu baaqay in helitaanka cunnada ee cid kasta ay noqoto mid rumowdo.
Waxaa uu sheegay in aad loogu baahan yahay sare u qaadidda nafaqada carruurta.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo WFP ay la daala dhacayso dhaqaale yari ka dhalatay saameynta cudurka COVID19.