Qaar ka mid ah madaxda Kisii oo doonaya inay xisbi aasaasaan

0
422

Qaar ka mid ah madaxda ismaamulka Kisii ayaa carrabaabay qorsho lagu aasaasaya xisbi siyaasadeed oo gaar u ah ka hor doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
17 ka mid ah sharci dejiyaasha qowmiyadda Abagusii ayaa arrinkan shaaca ka qaaday maanta ka dib kulan u socday labo cisho.
Waxay hoosta ka xarriiqeen inay ka go’an tahay u doodidda danaha dadweynaha gobolkaasi Nyanza.
Xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Koonfurta Kitutu Chache Richard Onyonkla ayaa sheegay in maadaama ay isbeheysanayaan siyaasiyiinta gobollada bartamaha, galbeedka iyo xeebta ay iyagana tallaabo kuwaasi la mid ah qaadayaan.
Onyonka oo hadda xubin ka ah xisbiga Ford- Kenya ayaa sheegay inay la shaqeyn doonaan isbeheysi kasta oo qiimo siinaya danaha bulshada ay matalaan.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo siyaasiyiintu ay ku howlan yihiin xulafaysi ay ku hanan karaan taageerada shacabka.