Guddiga TSC oo xeer cusub soo saaray

0
287

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa soo saaray xeer cusub oo dhigaya in barayaasha dugsiyada dowladda laga doonayo inay shan sano ka dib cusbooneysiiyaan shahaadada shaqo.
Madaxa fulinta ee TSC Dr. Nancy Macharia ayaa arrinkan shaacisay xilli ay daahfurtay barnaamijka horumarinta aqoontada macallimiinta ee (TPD).
Waxay dhanka kale barayaasha ku boorrisay inay barnaamijkan soo dhaweyaan iyadoo ku tilmaantay mid horseedaya isbeddelo wax ku ool ah.
Dr .Macharia ayaa sidoo kale ururrada macallimiinta dalka uga mahadcelisay kaalinta ay ka qaateen wada tashi badan oo la sameeyay ka hor inta aan barnaamijkan la soo bandhigin.