DHAGEYSO:Wakiilka haweenka ee Garissa oo ka soo horjeesatay UPYA

0
704

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Garissa Canab Suuboow oo wareysi gaar ah siisay warbaahinta Star ayaa gaashaanka u daruurtay dhaqdhaqaaqa cusub ee UPYA ee dhawaan ay shaaciyeen qaar ka mid ah madaxda xoolo dhaqatada.
Waxay sheegtay in soomaalida gobolka waqooyi bari laga doonayo inay sameystaan xisbi ay ku mideysan yihiin

Waxay sidoo kale xustay inay u riyaaqday go’aankii maxkamadda sare iyo midda racfaanka ay ku laaleen geeddisocodka sharci beddelka ee BBI

Canab Suuboow ayaa dhanka kale soo dhaweysay dadaallada ay wadaan madaxda kaniisadaha katoligga ee ay ku dhexdhexaadinayaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo uu muddo khilaaf ka dhex taagnaa

Wakiilka haweenka ee dowlad deegaanka Garissa Canab Suuboow ayaa faahfaahin ka bixisay ujeedka xeeladda siyaasadeed ee xisbiga UDA ee ah in la garab istaago danyarta Ugu dambeyn waxay sharraxaad ka bixisay waxqabadkeeda oo ay ka mid tahay arrimaha waxbarashada

Maxaa ka jiro in waxqabadka wakiilka haweenka ee Garissa uu ku kooban yahay deegaanka ay ka soo jeeddo keliya, sidan ayay uga jawaabtay