Kenya iyo Ingiriiska oo soo wada saaraya shahaadada tallaalka COVID-19

0
510

Dowladaha Kenya iyo Ingiriiska ayaa ku heshiiyay inay si wadajir ah u sameyaan shahaadada muujinaysa in qofku uu qaatay tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe iyo safiirka Ingiriiska ee Kenya Jane Marriott ayaa bayaan ku sheegay in shahaadadan ay noqon doonto mid ay aqoonsan yihiin labada dowladood.
Bayaanka waxaa sidoo kale ku cad in Kenya iyo Ingiriiska ay ansaxiyeen isticmaalka tallaalka COVID-19 gaar ahaan noocyada Oxford-AstraZeneca, Moderna, Pfizer, iyo Johnson & Johnson.
Waxaa la filayaa in tallaabadan ay fududeyso isku socodka dadweynaha ee waddamadan.
Tani ayaa timid ka dib walaac ay shacabka ka muujiyeen caqabad ka haysata soo bandhigidda shahaado dowladahan ay si isku mid ah ugu wada qanacsan yihiin.