Guddoomiye ku xigeenka waqooyiga xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji , magaalada Nairobi Jawaahir Maxamad Muuse ayaa idaacadda Star FM u sheegtay in labadii toddobaad ee ugu dambeeyay ay bixinayeen kaararka la soo saaray ee loo yaqaano Huduma.
Hasa ahaate waxay carrabka ku dhufatay in bulshada soomaaliyeed ee ku nool xaafadda aynan inta badan u soo bixin qaadashada kaararka .
Jawaahir ayaa xustay in xafiiskeeda ay yaallaan ilaa 1300 oo ah kaararka loogu talagalay in dadweynaha loogu fududeeyo helidda adeegyada aasaasiga ee dowladda sidaas awgeedna shakhsiyaadka loo sameeyay ee aan weli soo raadsan ay ka codsanayso inay xafiiska tagaan oo ay kala soo wareegaan kaarkooda.