Fahad Yaasiin oo dib ugu laabtay Muqdisho

0
353

Waxaa lagu soo warramayaa in saaka magaalada Muqdisho ee uu gaaray taliyihii hore ee nabasugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ka dib markii dhawaan lagu xannibay dalka Jabuuti xilli uu kusii socday Muqdisho.
Fahad Yasiin oo xudun u ah khilaafka siyaasadeed ee hadda ka taagan Soomaaliya ayuu Farmaajo u magacaabay la-taliyihiisa dhanka amniga ka dib markii Rw Rooble uu ka qaaday xilkii Agaasimaha NISA.
Waxaana lagu waday in uu ka qaybgalo shirkii guddiga amniga qaranka ee uu dib u dhaca ku yimid.