Hoggaamiyaha KANU oo sheegay in ururka OKA uu weli yahay mid mideysan

0
370

Madaxa xisbiga KANU ahna senatarka ismaamulka Baringo Gideon Moi ayaa sheegay in ururka One Kenya Alliance ee (OKA) uu weli yahay mid hagaagsan.
Waxaa uu caddeeyay in dhammaan xulafada dalladda OKA ay yihiin kuwo wada jira oo adag .
Mr. Gideon Moi ayaa sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo in isbahaysiga One Kenya Alliance uu soo dhisi doono dowladda soo socota, maadama hoggaamiyaasha siyaasadeed ee xisbiyada ANC, Wiper, KANU iyo Ford-Kenya ee ku bahooway OKA ay yihiin kuwa isku duuban.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in qiimaha shidaalka ee la kordhiyay uu ka mid yahay caqabadaha ugu waaweyn ee wajahayaan Kenyaanka.