DHAGEYSO:Siyaasiyiinta waqooyiga dalka oo afhayeen u doortay wasiirka maaliyadda ee dalka

0
456

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ismaamullada xoolo dhaqatada ee waqooyiga dalka ayaa wacad ku maray in xisbiga cusub ee loogu magac daray UPYA ka dhigi doonaan xisbi siyaasadeed ka hor doorashada guud ee sanadka dambe.
Hoggaamiyeyaasha laga soo doortay deegaannada oomanaha ee loo yaqaano ASALs ayaa sheegay inay aad u danaynayaan inay samaystaan isbahaysi leh xisbiyo isku fikrad ah, iyagoo sidoo kale xitaa ballanqaaday inay taageerayaan dowladda.
Waxay si aqlabiyad ah wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Ukur Yatani ugu doorteen inuu noqdo afhayeenkooda ama shakhsiga matalaya ee loogu soo hagaagaya fulinta danaha dadka ay u adeegaan.
Waxaa ay sidoo kala fursad u siiyeen inuu xiriir la sameyn karo xisbiyo kale oo siyaasadeed.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Ukur Yatani ayaa dhankiisa sheegay in gobolku horay u sii socon doono oo uu ku hadli doono hal cod si wax looga qabto caqabadaha ay la kulmaan shacabka xoolo dhaqatada ah.
Waxaa uu sheegay inay miiska wada xaajoodka ku sugnaan doonaan ka hor doorashooyinka guud ee soo socda.
Waxaa uu intaa ku daray in sannado badan gobolka waqooyiga dalka lagu gacan bidixeeyay inay qayb ka noqdaan go’aan walbo uu dalka gaarayo.
Barasaabka ismaamulka Isiolo Maxamad Kuti ayaa sheegay in hannaanka lagu sharciyeynaya xisbiga la bilaabay si gobolka loo siiyo fursad uu qayb uga noqdo gorgortanka kursiga ugu sarreeya .
Waxaa uu sheegay inay wax walba ka hormarin doonaan danaha siyaasadeed ee ismaamullada xoola dhaqatada, ayna ka shaqeyn doonaan sidii ay isbaheysi ula sameyn lahayeen xisbiyada iyo shakhsiyaad kale.
Mr. Kuti ayaa dhanka kale sheegay inay aad u danaynayaan in gobolka uu ka faa’iidaysto sanduuqa sinnaanta si wax looga qabto abaaraha ku dhuftay dalka gaar dowlad deegannada oomanaha.
Waxaa uu dowladda ugu baaqay inay la timaaddo tallaabooyin looga hor taggayo abaarta ka jirta dalka.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan Wehliye ayaa xusay in abaartu ay saameysay tobannaan qoys.
Waxaa uu ku baaqay in la dedejiyo hannaanka lagu caawinayo qoysaska ay dhibaatadu saameysey.
Dhanka kale senatarka ismaamulka Garissa Cabdiqaadir Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa UPYA uu noqon doono barmaamij siyaasadeed ee heer qaran oo ku hadlaya magaca deegaannada oomanaha.
Xildhibaanada kala ah Rashiid Qaasim Aamin iyo Maxamuud Sheekh Maxamad Oomaar oo laga soo doortay bariga iyo koonfurta Wajeer ayaa warbaahinta Star siiyay wareysi gaar ah oo arrinkan ku aaddan ka dib kulankii shalay ka dhacay magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.