Maamulka ay dowladda dhexe u xilsaartay bixinta adeegyada bulshada caasimadda dalka ee Nairobi ee NMS ayaa gelinkii dambe ee shalay xarigga ka jaray saddex xarumood oo caafimaad oo laga dhisay xaafadaha aan si rasmi ah loo deegaamayn ee magaala madaxda wadanka.
Waxaa isbitalladan xarigga ka jaray agaasimaha guud ee maamulka NMS Maxamad Badi oo ay wehlinayeen wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe iyo dhiggiisa arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i.
Mr. Badi ayaa sheegay in isbitaalladan ay ilaa iyo hadda booqdeen 70,000 oo bukaan ah oo ay ku jireen kuwa u baahnaa adeegyada qalliinka iyo bukaan socod.
Bishii Siddeedaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu faray maamulkan inay 24 isbitaal ka dhisaan xaafadaha aan si rasmi ah loo deegaamayn ee caasimadda si bulshada ku nool goobahan ay adeegyada caafimaad uga faa’iideystaan.
14 xarumood oo ka mid 24-ka isbitaal ayaa ilaa hadda la furay oo shaqeynaya.
Dhismaha xarumahan ayaa la billaabay iyada oo ay qayb ka tahay qorshaha ay dowladda dhexe ku yareynayso tirada bukaanka ee daryeelka caafimaad u raadsado isbitaallada Kenyatta ,Mama Lucy, Mbagathi iyo Pumwani.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Fred Matiangi ayaa sheegay in dowladda ay wax badan ka qabatay dhanka adeeg bixinta.
Waxaa uu hirgelinta arrinkan u sababeeyay xasiloonida siyaasadeed ee dalka ka jirta.
Bishii Toddobaad ee sanadkan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu si rasmi ah u furay xarumo caafimaad oo shan ah.
Xarumahan ayaa kala ahaa labo ah heerka labaad oo lagu kala magacaabo Gichagi oo ku yaalla xaafadda Kangemi iyo Gatina oo laga dhisay xaafadda Kawangware iyo saddex kale oo ah heerka 3-aad ah.
Hoggaamiyaha wadanka ugu sarreeya ayaa ku amray maamulka NMS inuu xaqiijiyo in isbitaalladan ay shaqeynayaan 24-ka saacadood.