Maxkamadaha ugu adeegyada fiican ee dalka oo la shaaciyay

0
487

Warbixin cusub oo ay soo saartay waaxda cadaaladda dalka ayaa muujinaysa in maxkamadaha ku yaalla Makueni, Nakuru iyo Milimani oo ku taalla ismaamulka Nairobi ay ugu wanaagsan yihiin marka la eego qaabka ay shacabka ugu adeegaan.
Shalay ayay ahayd markii madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome ay arrinkan ka qaaday.
Koome ayaa sidoo kale soo bandhigtay hiigsigeeda 10-ka sano ah ee waaxda ay hoggaamiso.
Waxay hoosta ka xarriiqday in natiijada warbixinta lagu saleeyay tirada kiisaska ee maxkamadaha wadanka la hor dhigay.
Marka la eego arrimaha ay maxkamaduhu la tacaalaan waxaa la ammaanay xarumaha qaabilsan shaqada iyo shaqaaleysiinta ee ismaamullada Kisumu iyo Nakuru.
Sidoo kale waxaa liiskan kaalimaha hore kaga jira maxkamadaha Limuru, Marsabit, Mombasa iyo Gatundu oo ka tirsan dowlad deegaanka Kiambu.
Maxkamadaha qaadiga ee Garissa iyo Voi ayaa sidoo kale si wanaagsan ugu adeega bulshada sida ay tilmaamayso warbixinta waaxda garsoorka ee dalka.