Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo qiimaha cusub ee noocyada shidaalka ee dalka .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in Kenyaanka ay wajahayaan xaalado adag oo nololeed oo ka dhashay saameynta dhaqaale ee cudurka COVID19.
William Ruto ayaa xusay in xilligan aynan macquul ahayn in la kordhiyo qiimaha lagu iibiyo shidaalka noocyadiisa kala duwan maadaama tallaabadan ay shacabka ku keentay culeyso dheeraad oo ay cabasho ka muujinayaan
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii maamulka qaabilsan maareynta adeegyada tamarta iyo batroolka dalka ee EPRA uu dhaqangeliyay isbeddelo cusub oo la xiriira qiimaha lagu kala iibsanaya shidaalka .
Qiimaha nooca shidaalka ee Super Petrol ee magaalada Nairobi ayaa hadda ah 134.72 halkii liitar,naaftada ama Diesel waxaa lagu kala iibsanayaa 115.60 shilin halkii liitar halka Kerosene uu yahay 110.82 shilin liitarkii.
Ismaamulka Mombasa noocyada kala duwan ee shidaalka ayuu qiimahoodu kala yahay super petrol (132.46 ) shilin, Diesel (113.36) shilin iyo Kerosene oo ah (108.57) halkii liitar.
Maamulka EPRA ayaa sheegay in qiimahan ay ku jirto canshuurta dakhliga ee (VAT) oo ah boqolkiiba 8 sida ku qeexan xeerarka maaliyadda ee sanadkii 2018-kii iyo isbeddelkii lagu sameeyay xeerarka canshuurta ee sanadkii hore.
Qiimaha nooca shidaalka ee loo yaqaano super petrol ayaa waxaa ku kordhay ilaa 7 shilin.
Kenyaanka oo wajahaya culeys dhaqaale oo ka dhashay saameynta cudurka COVID19 ayaa cabasho ka muujiyay kororka ku yimid noocyada shidaalka wadanka.