Wadayaasha baabuurta iyo mootooyinka ee ismaamulka Migori ayaa maanta hakad geliyay howlaha gaadiidka ka dib markii la kordhiyay qiimaha lagu iibiyo noocyada shidaalka ee dalka.
Waxay sheegeen in aynan ku shaqeyn karin qiimaha cusub maadaama uu culeys ku yahay marka la eego xaaladda dhaqaale ee ay wajahayaan.
Gaadiidleyda ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inay dib u eegis ku sameyso isbeddellada cusub ee uu dhawaan shaaciyay maamulka qaabilsan adeegyada tamarta iyo batroolka ee EPRA.
Waxay sheegen in hadii aan arrinkan wax laga qaban ay danta ku qasbi doonto inay kordhiyaan qarashaadka lagu raaco baabuurta taasoo culeys ku noqon karto rakaabka
Waxay sidoo kale cabasho la xiriirta kororka qiimaha shidaalka ka soo yeeraysa dadweynaha ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta oo xusay in xaaladda nololeed ay ku sii adkaan karto