DHAGEYSO:Raila Odinga oo beeniyay in isaga iyo Uhuru ay ku heshiiyeen awood qaybsi

0
594

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar la faafiyay oo sheegaya in isaga iyo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ay gaareen heshiis dhigaya inay awood qaybsi sameyaan ka hor doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu ra’iisul wasaarihii hore ee dalka doonaya inuu markii shanaad u tartamo xilka madaxtinimada.
Wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee AFP ayuu ku xusay in heshiiska la sheegay uu been abuur yahay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in aynan jirin faa’iido shakhsiyadeed oo uu ka helay is-afgaradkii isaga iyo Uhuru ee bishii saddexaad sanadkii 2018-kii.
Raila ayaa sheegay in tallaabadii uu xilligaasi qaaday ay wadanka u horseeday xasilooni buuxda maadaama ay timid xilli si wayn loogu kala qaybsanaa siyaasadda dalka.
Dhanka kale xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna ayaa sheegay inay dhawaan gobollada xeebta iyo waqooyi bari ka sameyn doonaan wacyigelin ku aaddan xoojinta midnimada shacabka.
Mr. Sifuna ayaa tilmaamay inay la kulmi doonaan wufuud matalaya ismaamulladan si sare loogu qaado taageerada xisbiga ODM oo diiradda saaraya in dadweynaha la mideeyo ka hor doorashada guud ee sanadka 2022-ka.

Dhanka kale xoghayaha guud ee ODM ayaa cadeeyay in aynan xisbi ahaan dalban in la kala diro xubnaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka .