Ciidamada dambi baarista iyo kuwa la dagaalanka argagixisada oo tababar la siinaya

0
586

Saraakiil ka tirsan waaxda dambi baarista dalka iyo ciidamada qaabilsan la dagaalanka argagixisada ayaa lagu wadaa inay ka faa’iidaystaan tababar aqoon kororsi ah.
Waxaa barnaamijkan bixinaya midowga yurub oo Kenya ka caawinaya dadaallada ka dhanka ah falal dambiyeedyada iyo howlaha argagixisada.
Agaasimaha waaxda dambi baarista Kenya Mr. George Kinoti ayaa galinkii dambe ee shalay sheegay in tababarka ay hormuud ka yihiin booliska dalka Spain waxaana madax ka ah agaasime lagu magacaabo Javier Hernandez.
Mr. Kinoti ayaa midowga yurub uga mahadceliyay garab istaagga ay u muujisay labada waaxyood ee dambi baarista iyo ka hor tagga argagixisada wuxuuna xusay in aqoon badan laga kororsanaya tababarka.