Haweeney Shiineys ah oo sheegtay inaysan seexan muddo 40 sanno ah

0
591

Warbaahinta Shiinaha ayaa dhawaan soo warisay kiiska la yaabka leh ee haweeney sheegtay in aysan seexan ku dhawaad afartan sanno laakiin aysan waligeed dareemin daal ama hurdo midna.
Dadka badankoodu ma joogi karaan 24 saacadood iyaga oo aan indhaha isku qaban laakiin Li Zhanying, oo ah haweeney ka soo jeeda gobolka Henan, dalka Shiinaha ayaa sheegtay in ay gaartay 40 sannadood hurdo la’aan, taas oo uu xaqiijiyay seygeeda iyo deriskeeda, kuwaas oo qaarkood isku dayay inay sideeda oo kale sameeyaan balse suura geli waysay.
Li markii ugu dambeysay ee ay seexato oo ay xasuusato waxaa ay ahayd iyada oo shan ama lix jir ah, laakiin hadda oo ay ku jirto 40-meeyada, hurdadu waa un xusuus hore dhankeeda.
Lii waxaa ay caan ka tahay deegaanka ay ku nooshahay iyo weliba gobolka sababtuna ay tahay inay soo jeedo habeen iyo maalin taas oo aan caadhi ahayn.
Dhowr sano ka dib, qaar ka mid ah deriska ayaa isku dayay inay sheegashadeeda tijaabiyaan iyagoo wadada geeyay habeen dhan, balse aan hurdin wax yar xitaa.
Ninka Li, oo lagu magacaabo Liu Suoquin, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in xaaskiisu aysan u muuqan inay u baahan tahay wax hurdo ah haba yaraatee
Tan iyo markii ay isguursadeen, wuxuu ogaaday inay habeen iyo maalinba soo jeeddo, oo ay qabato shaqooyinka guriga xitaa marka ay habeen tahay.
Waxay marwalba u sheegi jirtay inaysan seexan karin, sidaa darteed wuxuu u iibiyay kiniinno hurdo. Taasi uma muuqan mid shaqayso.
Waxaa la sheegay in Li Zhanying marar badan ay caawimaad dhanka caafimaadka ah raadsatay balse dhakhaatiirtu weligood kama aysan helin wax xanuun ah.