Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun ku riday laba eedeysane oo lagu kala magacaabo Maxamad Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmad Yaasiin Xaaji Gaabow oo lagu helay dembi ah in ay dadka lacag kaga qaadi jireen magaca Al-Shabaab iyo Afduubka dhowr qof oo ay madax furasho ka qaateen.
MaxamAd Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow ayaa isticmaali jiray SIMCARD SOMNET oo ay ganacsatada Soomaaliyeed ku waydiisanayeen Bixinta lacagaha ay Al-Shabaab ka qaaddo shacabka Soomaaliyeed.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa baaritaan dheer ka dib Codsday in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda Dabayaaqadii bishii hore, waxa ayna Maxkamadda Aqbashay fadhigii koowaad isla xilligaasi.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka codsaday in loo ciqaabo dambigii ay galeen Maxamad Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmad Yaasiin Xaaji Gaabow oo iyaga Muqdisho ka abuuray weji cusub oo u baahan in ladabar jaro.
Qareennada u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda iyagana ka codsaday in laga qaado magdhow eedeysanayaasha oo ay sheegeen dambiga ay galeen kaliya in uu ku koobnaa duruufo.
Dhowr fadhi ka dib Maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay Kiiska Maxamad Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmad Yaasiin Xaaji Gaabow, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Min 15-sano oo Xabsi Ciidan ah sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaa Rafcaan 30-cisho gudahood.