Guinea oo ay ka socdaan wada-hadallo lagu soo dhisaya dowlad cusub

0
487

Waxaa caasimadda dalka Guinea ee Conakry ka billowday wada-hadallo looga gol-leeyahay in lagu soo dhiso maamul cusub.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ciidamada difaaca ee dalkaasi ay qaab awood ah xukunka uga tureen madaxweyne Alpha Conde.
Wada-xaajoodyada arrinkan ku aaddan ayaa ah heer qaran iyadoo la doonayo in maamulka cusub uu noqdo mid loo dhan yahay.
Kulamada militariga waxaa ka qayb galaya madaxda xisbiyada iyo hoggaamiyaal kale.
Waxaa diiradda la saarayaa sida dowladda cusub loo qaybsan doono iyo muddada ay qaadan karto geeddi socodka kala guurka.